Tartanka koobka kubadda cagta Afro-Canadian oo billowday bartamihii bishii January ee sanadkan ayaa xalay lagu soo gabagabeeyay magaalada Toronto ee dalka Canada.

Koobka ayaa ku tartamayay wiilasha da’doodu ka hooseyso 10, 12, 16 iyo 18 sano jirro iyo gabdhaha da’doodu ka hooseyso 14 sano jirrada.

Kooxda Muqdisho Football club (MFC) oo uu hoggaaminayay madaxa, ahna aasaasaha kooxda Cabdifataax Xasan Axmed (Satte) oo qeyb ka aheyd tartanka ayaa ku guuleysatay  kaalinta koowaad ee cayaartoyda da’doodu ka hooseyso 12 jirrada, halka kaalinta labaad ay ka galeen tartanka cayaatroyda da’doodu ay ka hooseyso 10-ka iyo 14 sano jirrada.

Xafladdii xeritaanka waxaa ka qeyb galay Sheekh Cabdisalaan Philip oo ah Sheekh caan ah, Mrs. Nura oo ka socotay guddiga dugsiyada waxbarashada Toronto (TDSB), Maxamed Yuusuf  oo ah Soomaali ka tirsan ciidanka booliska magaalada Toronto, qeybta 23-aad, waalidiin, waxgarad iyo qaar ka tirsan cayaartoydii hore ee qaranka Soomaaliya ee ku nool Canada.

Masuuliyiinta ka qeyb galay xeritaanka tartanka ayaa u hambalyeeyay kooxaha ku guuleystay koobabka, iyagoo si gaar ah Cabdifataax Satte ugu hambalyeeyay koobka cayaartoyda ka hooseyso 12 jirrada ee kooxdiisu ay ku guuleysatay.

Madaxa, ahna aasaasaha kooxda Muqdisho FC, Cabdifataax Xasan Axmed (Satte) ayaa gabagabadii munaasabadda shahaado sharaf guddoonsiiyay Mrs. Nura oo ka tirsan TDSB, isagoo ugu mahadceliyay sida joogtada ah ee ay garab u siiso tartammada cayaaraha kala duwan ee lagu qabto magaalada Toronto.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *